Shir looga hadlay dib eegista Mashaariicda Bangiga Adduunka ka fuliyay Puntland 2020 oo lagu qabtay Garowe(Sawirro)

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta lagu qabtay shir ay wada yeesheen Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo madaxda Bangiga Adduunka u qaabilsan Puntland.

Shirkan oo uu guddoominayay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa waxa ka qaybgalay Madaxda sare ee Wasaaradda, madaxda Bangiga Adduunka u qaabilsan Puntland iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan oo socday muddooyinkan ayaa looga hadlay dib eegis lagu sameynayay mashaariicda Bangiga Adduunka ka fuliyay Puntland sanadkii hore 2020-ka, waxa ka hirgalay iyo caqabaha soo wajahay sidii xal looga gaari lahaa, waxaana ugu dambeyntii la isla qiray in wax badan ay ka hirgaleen mashaariicdaas.

Sidoo kale shirka ayaa looga wadahadlay Mashaariicda Bangiga Adduunka ee sanadka 2021, taasoo lagu ballamay in sida loo qorsheeyay u fulo.

Ugu dambeyntii Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa uga mahadceliyay madaxda u qaabilsan Puntland gacanta ay ka geysanayaan horumarinta Puntland.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland