IMG_3947

Shir Looga hadlay dib u qaabeynta Maaliyadeed ee Puntland oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

IMG_3947Waxaa maantay oo taariikhdu tahay 04 February 2017 ka dhacay hoolka Hotel Juba Shirkii Bilaha ahaa ee gudiga hogaamiyaha qaybta farsamada loo yaqaan (Technical steering committee meeting) kaas oo qayb ka ah mashruuca PFM (Public Financial Management), gudigaan waxaa hormuud u ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddda , waxaana xubno ka ah Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda, Xisaabiyaha guud ee DPL, Hantidhowrka guud ee DPL, Banking dhexe.

Shirkan ayaa loogu tala galay in lagu kala warqaato meesha uu marayo dib u qaabeynta maaliyadeed ee dalka (Public Financial reform) iyo caqabaha jira sida looga gudbi lahaa.

IMG_3949Waxaa kulanka lagu casumay Xisaabiyayaasha gobolada Puntland,Kooxda FMISka iyo qaybo kale .
 
Ugu horeyn shirka waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL wuxuuna warbixin kooban ka bixiyey ujeedada shirka ee aan kor ku soo sheegnay isagoo sheegay in ay fursad u tahay Madaxda xubnaha ka ah gudigan in ay fikirkooda isku weydaarsadaan kulankan .

Intaa kadib waxaa lagu soo bandigay shirka Persentations kala duwan oo ay soo jeediyeen Xisaabiyaha guud ee DPL, Agaasimayaasha guud Dakhliga W.Maaliyadda, Madaxa  FMISka iyo Xiriiriyaha Barnaamujka FMISKa  .
 
Ugu danebeyntii waxaa kulanka soo xiray Wasiirka kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda MudaneMaxamed Siciid Caateeye.

IMG_3921 IMG_3925 IMG_3926 IMG_3927 IMG_3929 IMG_3932 IMG_3937 IMG_3940 IMG_3941 IMG_3943 IMG_3948 IMG_3950 IMG_3951 IMG_3952 IMG_3956 IMG_3957 IMG_3958 IMG_3959 IMG_3961 IMG_3964 IMG_3965 IMG_3968 IMG_3970

Maxamuud Cabdisalaan
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Garoowe