FB_IMG_1521301796731.jpg

Shir looga hadlay horumarinta Cashuuraha gaar ahaana dakhliga oo lagu qabtay Qardho [Sawirro]

Waxaa lagu qabtay magaalada Qardho kulan looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa Wadashaqeynta Wasaaradda Maaliyadda iyo laamaha kale ee dowladda loona xoojin lahaa ururinta canshuuraha gaar ahaana kor u qaadida arrimaha dakhliga.

Kulanka ayaa looga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga loona horumarin karo ururinta canshuuraha.

Xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda gobolka Karkaar iyo Taliyaha laanta ilaalada canshuuraha ee W/Maaliyadda ayaa kulanka kasoo jeediyay warbixin ay uga hadlayaan dakhliga gobolka.

Cabdirisaaq Cali Cartan oo ah Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Karkaar oo kulanka ka hadlay ayaa ka hadlay ahmiyada ay canshuuruhu u leeyihiin iyo baahida waqtigan loo qabo in kor loogu qaado dakhliga si horumarka ay dowladu wado loo dardargeliyo.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan oo ku hadlayay afka degmooyinka ayaa sheegay iney ka go’an tahay sidii ay W/Maaliyadda Puntland ay isaga kaashan lahaayeen kor u qaadida dakhliga.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdillaahi Maxamed Barre ayaa ugu dambeyn sheegay in bulshada gobolka looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com