Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Sheekh Ahmed

Shir looga hadlay Miisaaniyadda sanadka 2017 oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Sheekh Ahmed
Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Sheekh Ahmed

Waxaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe shir looga hadlaayey diyaarinta Miisaaniyadda sanadka 2017.

Shirkaan ayaa ,waxaa shir guddoominayey Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed,waxaana ka qeybgalay Wasiir kuxigeenka Mudane Axmed Yaasiin Saalax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdirisaaq Siciid Nuur,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada Cabdisamad Cawad Surad.

Shirka ayaa inta uu socday looga hadlay diyaarinta Miisaaniyadda Puntland,dardargelinta dakhliga iyo cashuuraha Beriga.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in dakhliga dowladda kor loo qaado ,wuxuuna Wasiirku soo dhaweeyey in dakhliga sanadkii hore uu aad u wanaagsanaa lana sii-dardargeliyo,isagoona taas ku ammaanay Agaasimayaasha guud ee dakhliga.

Miisaaniyadda sanadka 2017 ayaa lagu wada in la horgeeyo Xukuumadda kadibna Baarlamaanka dowladda Puntland.

img_3302 img_3305 img_3307 img_3314

Maxamuud Cabdisalaan
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Garoowe