Shir looga hadlay Wadashaynta Hay’adaha dowladda oo maanta ka furmay xarunta W/Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Shirkan oo labadii bilood ay mar iskugu yimadaan Madaxtooyada Puntland iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madax banaan ee Dowladda Puntland ayaa maanta ka furmey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu sarayaa qodobo ay kamid yihiin sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahayeen Agaasimayaasha Guud,Mideynta Akoonada Wasaaradaha Dowladda iyo Jihaynta mashruucyada dowladda.

Agaasimah Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirshiiid oo ka hadlay shirka ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedka shirkan.

Mudane Maxamed Cabdirashiid, oo guddoomiyey Shirka ayaa agaasimeyaasha guud hay’addaha Dowladda la wadaagay qorshaha wadashaqeyn joogto ah, si loo horumariyo shaqooyinka ay dowladdu u hayso bulshada iyo in ay jirto kala war qaadasho la iskula xisaabtamo shaqada socota oo qeyb ka ah Yoolka dowladda ee ku dhisan.

 Agaasime Kuxigeenka Bankiga Dowladda Aniiso Cabdirixmaan iyo Xisaabiyaha Guud Dowladda Cumar Saalax Aadan ayaa dhankoooda ka hadlay mideynta koontada xisabaadka ee Wasaaraddaha dowladda iyo Hay’addaha dowladda .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland Mudane Faysal Cabdulaahi Warsame

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland Mudane Faysal Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in ay Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee dowladda ay bishan lagu jiro dhamaadkeedka ka furtan Bankiga dowladda  akoono tasoo qayb ka noqon doonta qorshayaal hirgalin doonta mideynta hal Akoon oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Puntland.

Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland