Shir looga hadlay wax ka qabashadda sare u kaca ku yimid Sarifka lacagaha oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Kulanka oo ay isugu yimaadeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cumar Xasan Fiqi,Guddoomiye kuxigeenka Bangiga ,Agaasimaha Guud ee Bangiga dhexe ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan khuburo ku xeel dheer dhaqaalaha ayaa maanta ka dhacay xarunta Maaliyadda ee Garoowe.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay sidii wax looga qaban lahaa sare u kaca ku yimid sarifka lacagaha. Khuburada ayaa kulanka kusoo bandhigay daraasad ku aadan waxyaabaha keenY sare u kaca ku yimid sarifka lacagaha qalaad.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi iyo Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Dowladda ayaa markii uu soo dhammaaday kulanka si wadajir ah ula hadlay warbaahinta.

Madaxda ayaa sheegay in Dowladdu ay wado dadaalo lagu xalinayo sicir bararka ka taagan suuqyadda Puntland, iyagoona intaas ku daray in dhowaan ay Dowladdu bilaabayso in sarifka lacagaha qalaad lagu sameeyo Bangiyadda Dowladda.

Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland