Shir looga hadlay Waxqabadka Wasaaradda Maaliydda Puntland ee 6-dii bilood ugu dambeysay oo lagu qabtay Garowe(Sawirro)

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay waxqabadka Wasaaradda ee lixdii bilood ee ugu dambeysay sannadkan.

Shirkan ayaa nuxurkiisu ahaa in la iska-wareysto waxqabaka lixdii bilood ee lasoo dhaafay, jihada Wasaaradda,shaqada la qabtay, xisaab xirkii loo gudbiyay Golaha Wakiiladda Puntland taasoo warbixin laga siiyay Wasiirka.

Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Puntland Cali Jaamac Gaashaan oo waraysi siiyay Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta W/Maaliyadda ayaa sheegay in shirka looga hadlay wixii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Puntland lixidii bilood ee u dambeysay.

“ Shirka nuxurkiisu wuxuu ahaa maadaama lixdii bilood dhammaatay bal in la iska wareysto, jihada wasaaradda, waxay qabatay, sida xaalkeedu yahay iyo xisaab-xirkii loo gudbiyay Golaha Wakiiladda Puntland oo Wasiirku ka maqnaa in laga siiyo warbixin iyo Waaxda miisaaniyadda oo diyaarineysa miisaaniyad ku celin in laga sameeyo ayaa laga hadlay iyo in uu la socdo Waxqabadka Wasaaradda meesha ay mareyso , lixdaas bilood wixii qabsoomay…” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in sidoo kale shirka looga hadlay mushaar-kordhinta shaqaalaha taasoo muhiimad gaar ah leh laguna wado in la hirgeliyo bisha Agoosto ee sannadkan.

“ Waxyaabihii laga hadlay waxa kamid ah mushaharaad kordhinta shaqaalaha oo muhiimad gaar ah leh oo hadda ka hor Madaxweynuhu aad uga hadlay oo la rabo in la hirgeliyo bisha Agoosto ee nagu soo aadan haddii Alle yiraahdo iyo arrimo badan..” ayuu yiri.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa warbixino ka dhageystay Xisaabiyaha guud , Agaasimaha Miisaaniyadda,Agaasimaha Cashuuraha Berriga, Agaasimaha Macro-finance-ga iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ku booriyay shaqaalaha xafiisyadaas iney shaqada siday tahay uga soo baxaan. Wuxuuna ku ammaanay shaqada ay bulshadda u hayaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland