Shir looga hadlay Xakameynta sarifka dollar-ka iyo Shilling Soomaaliga oo ka dhacay Garowe[Sawirro]

GAROOWE – Shirkan ay isugu yimaadeen Madaxda ugu saraysa Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga Bangiga Dawladda Puntland, xubno ka socda Bangiyadda ka howgalla Puntland sida Som Bank, Amal Bank,Dahabshiil Bank iyo shirkaddaha bixiyaha adeega lacagaha mobilka sida Golis iyo Somtel.

Shirkan ayaa u jeedkiisu ahaa xakamaynta iyo hoos u dhigida sarifka lacagaha gaar ahaan dollarka iyo shilling Soomaaliga kaas oo ay dowladda Puntland ka soo saari doonto awaamiir ku aadan sarifka lacagaha.

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii loo dajin lahaa sarifka lacagta shilling Soomaaliga ayadoo uu illaa hadda uu hoos u dhacay.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland