Shir looga hadlayay Dakhliga oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE — Shir looga hadlay dardargelinta dakhliga gobalka Nugaal ayaa maanta waxaa guddoomiyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasime kuxigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowlada Cali Jaamac Gaashaan, sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhaxe iyo heer gobol ee Puntland.

Ujeedada Shirkan ayaa ahaa mid la isku dhaafsanayay afkaaro la xiriira sida kor loogu qaadi karo dakhliga gobalka iyo sidii dhammaan hay’adaha Dowladda uga wada shaqayn lahaayeen dakhliga.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda ee gobalka Nugaal kula dardaarmay inay xooga saaraan kor u qaadista dakhliga gobolka.

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la joogteeyo kulamada looga arinsanayo dardargelinta dakhliga guud ahaan gobaladda.

Dhankale Agaasimaha Dakhliga ayaa soo gudbiyayey qorshaha dakhliga ee 4-tq bilood, taasoo diiradda lugu saarayo kobcinta iyo dardar galinta dakhkiga ayadoo lala kaashanayo hay’adaha dowladda oo qaybtood ka caawiya Wasaaradda dakhli uruurinta, qorshahan ayaa la isla qaatay dhammaantiis.


Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland.