Shir looga hadlayay hubinta xogta Mashaariicda Bangiga Adduunka ka wado Puntland oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Shirka bilaha ah ee ku aadan hubinta xogta mashaariicda Bangiga adduunka uu ka wado deegaanada Dawladda Puntland ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ay ku leedahay magaalada Garoowe.

Kulankan waxaa shir Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, waxaana kasoo qaybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Hanti-dhawrka Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, kuxigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda.

Madaxa Xiriiriyaha  Mashruuca Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Cabdulqaadir Xaashi ayaa halkaasi ku soo bandhigay xog ku aadan mashaariicda socda iyo halka ay maryaan.

Kulankan ayaa ahaa mid aan muddo  la qaban kaddib markii uu dalka saamayn wayn ku yeeshay xanuunka COVID-19 taasoo keentay in aan la isu imaan karin.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa boggaadiyay habka ay u socdaan mashaariicda  Bangiga aduunku ka wado Puntland.

Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland