DRZPfoyX0AE-9pl.jpg

Shirka Horumarinta Maaliyadda dalka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Kismaayo[Sawirro]

KISMAAYO – Waxaa ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland shir looga hadlayo hormarinta Maaliyadda dalka iyo mideynta canshuuraadka iyo weliba qaybsiga kheyraadka, waxaa si rasmi ah u furay shirkaas wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Shirka waxaa ka qaybgalaya Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Wafti uu hoggaaminayo iyo Wasiirada maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado dowladda federaalka ah.

Gabagaada shirka ayaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro Warmurtiyeed.

Waaxda Wacyigelinta Iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland.