GAROOWE- Waxaa Maanta Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ka furmay shir ku looga hadlay kala xadeynta canshuuraha Dowlada Dhexe iyo dowladaha hoose ee Puntland.

GAROOWE- Waxaa Maanta Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ka furmay shir ku looga hadlay kala xadeynta canshuuraha Dowlada Dhexe iyo dowladaha hoose ee Puntland.
Kulankan waxaa shir gudoomiyey Wasiiru-dowlaha Dowlaha Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda Mudane Axmed Jamac Jowle iyo agaasimayasha Wasaradda Maaliyadda.
Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay Agaasimayasha Wasaradaha ee ay ka mid yihiin Arimaha gudaha, Qorsheeynta , Ganacsiga, iyo Mas’uuliyiin ka socday Dowlaha Hoose.
Ujeedka shirka ayaa ah sidii dood looga yeelan lahaa kala xadeynta canshuuraha kala duwan ee ay qaadan dowlada dhexe iyo dowladaha hoose ee Puntland.
Waxaa xusid mudan in shirkan ay isku soo duba rideen madaxda Xafiska wareejinada lacagaha Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland