Shirka Midaynta Habraacyada Xisaabaadka Wasaaradaha Dowladda iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee Puntland oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Xafiiska Xisaabiyaha guud ee DPL shir u qabtay dhammaan Agaasimyaasha Waaxyaha Maamulka Wasaardaha & Hay’adaha Madaxa banana ee Dowladda Puntland.
Shirkan waxaa daahfuray xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan oo ka warbixiyey muhiimda shirkan iyo qorshaha midaynta Xisaabadka DPL ee wasaardaha & hay’adaha madaxa banaan.
Ujeedada shirkan loo qabtay ayaa ah sidii loo mideyn lahaa Habraacyada Xisaabadka DPL wasaaradaha & Hay’adaha Madaxa banaan ee Dowladda Puntland.
Shirkan mudada oo ka socdo hoolka wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Garoowe,waxaa daadihinaya khuburo ka socota xafiiska Xisaabiyaha guud Dowladda Puntland.
Xafiiska Warfaafinta & Wacyigalinta W/Maaliyadda DPL


