FB_IMG_1562067316681.jpg

Shirka midaynta Madaxyo-xisaabeedka Dowladaha hoose iyo Dowladda dhexe oo lagu qabtay W/Maaliyadda Puntland[Sa

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa maanta si wadajir ah u qabtay shirka Mideynta Madaxyo-xisaabeedka Dowladaha hoose iyo dowladda dhexe.

Shirkan oo ka furay hoolka weyn ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa waxa soo wada qabanqaabiyay Xasiiska Xisaabiyaha Guud iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. 

Shirkan sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad,Xisaabiyaha Guud Cabdirisaaq Siciid Nuur iyo Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud Cali Jaamac Gaashaan,Agaasimaha guud ee W/Arrimaha gudaha Maxamed Cali Nuur (Jubba). Waxaana shirka loo qabtay afar degmo oo kala ah Boosaaso,Qardho,Garoowe iyo Gaalkacyo si gaar ah Xisaabiyaasha ka socday degmooyinkan iyo khuburada la shaqeysa.

Ujeedada shirka loo qabtay ayaa ahayd sidii loo mideyn lahaa Madaxyo-xisaabeedyada ay adeegsato dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.

 Shirkan ayaa mudada uu socdo waxaa lagu mideyn doo aa madaxyo-xisaabeedyada dowladaha hoose iyo dowlada dhexe uga guuri lahaayeen nidaam xisaabeed cusub(PLFMIS), waxaana shirka si wadajir ah u daahfuray Wasiirada Maaliyadda Iyo Arrimaha Gudaha Puntland.

Si kastaba shirkan mudada uu ka socdo hoolka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Garoowe waxa daadihin doona khuburo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland