21768289_2002200423347369_3886333637923557786_n.jpg

Shirka Mideynta Cashuuraha oo maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe(Sawirro)

Shirkii ay martigelisay dowladda Puntland gaar ahaana Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo u dhaxeeyey Wasaaradda Maaliyadda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe.

Shirka ayaa looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo mideynta cashuuraha guud ee Soomaaliya ,waxaana ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka,Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe oo martigeliyey,Galmudug,Hirshabelle,Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Cabdullaahi Siciid Carshe

Gabagabadii shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 9 qodob oo lagu heshiiyey hannaana maamul maaliyadeeed ee Soomaaliya,isku xirnaanta maamulada iyo dowladda dhexe ee dhanka dhaqaalaha,in la wadaago kheyraadka guud ee dalka iyo deeqaha dibadda ay ka hesho dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la mideeyey cashuuraha laga qaado Qaadka iyo Sigaarka ,waxaana la isku raacay in halkii minjin ee Qaadka lagu cashuuro $2.5,halka kartoon sigaarkana la cashuuro $30.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe oo shirka ay martigelisay Wasaaradiisu ayaa sheegay in qodobada lagu heshiiyey ay guul u tahay dalka iyo dadkaba.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa sheegay in heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado cashuuraha ay qaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ,wuxuuna soo dhaweeyey is-fahamka laga gaaray shirka.

Shirkan ayaa kiisa xiga ayaa lagu qabanayaa magaalada Kismaayo,waxaana gogosha dhigay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com