Shirka mideynta Miisaaniyadaha dalka oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa maanta xarunta Wasaarada Maaliyadda Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe ka furmay shirka midaynta miisaaniyadaha dalka, 

Shirkan oo u furmay Guddiga Midaynta Miisaaniyadda ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Wasaarada Maaliyada Puntland Cabdisamad Cawad Cismaan wuxuuna faahfaahin ka bixiyey shaqooyinka ay Guddigani qaban doonaan mudada ay ku sugan yihiin magaalada Garoowe.

Sidoo kale muhiimada shirkan iyo sida loogu baahan yahay in la helo shax-xisaabeed midaysan oo uu dalku leeyahay waxaa si weyn uga hadlay Cabdikariin Laari iyo Mukhtar Cabdi Faarax oo kamida xubnaha Guddiga ee kala matalaayey Dawlada Federaalka iyo Puntland.

Shirkan waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdi Warsame Ibrahim (Qawdhan) isagoo Guddiga faray in laga sugaayo shaqo dhaxal gal u ah dadka iyo dalka Somaaliyeed.

Guddiga ayaa sodaal ku tegi doona dhamaan caasimadaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.

Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland