55980ADE-330C-46B1-BE60-7851CD443268.jpg

Shirka Qiimaynta Xogta Maamul Maaliyadeedka ee dowladaha hoose oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa  maanta ka furmay Garoowe shir lagu qiimaynayo xogta Maamul Maaliyeed ee Dawladdaha hoose ee degmooyinka Puntland.

Shirka maanta ka  furmay xarunta dhexe ee  Maaliyadda Puntland waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha Maaliyada iyo Arimaha gudaha, xubno ka socday degmooyinka iyo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, Khuburo ka tirsan Hay’adda UNCDF oo kulanka fududeysay, Hayadda DEGE oo so diyaarisay buuga Maamul bahinta.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Xasan oo shirka ugu horeyn ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ujeedada shirka ay u qabatay ay tahay sidii loo ogaan lahaa xogta rasmiga ah ee dhaqaalaha soo gala Dawladaha Hoose ee Dowllada Puntland isla markaana loo kabo waxa ka dhiman si loo fuliyaan Dowlada Hoose adeegyada shacabku ay u baahan yihiin.

Xoghayaha ayaa xusay in Wasaraadda Maaliyadda oo kaashanaysa Hay’adda UNCDF ay maanta Degmo walba loo soo gudbinayo dhaqaale loogu talagalay in lagu kabo mashaariicda degmooyinka gaar ahaana kuwa uu ka shaqeeyo Barnaamijka JPLG.

Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo shirka si rasmi ah u daahfuray ayaa sheegay in kulanka oo socon doona muddo labo maalmooda lagu soo bandhigayo qiimeyn ku saabsan xogta Maaliyadeed ee Degmooyinka iyo ansixintooda. 

Xafiiska Warfafinta & wacyigalinta

W/Maaliyadda DPL Garoowe