Shirka Sanadlaha ah ee Maamul-baahinta Maaliyadeed ee Puntland oo ka dhacay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Shirka sanadlaha ah ee maamul baahinta Maaliyadeed ee Puntland oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qaybgalay qaar kamid ah Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowladda,Xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda,Agaasimayaasha Maamulka,Maaliyada iyo Qorshaynta Wasaaradaha,Hanti-dhowrka guud,Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland iyo madax ka socota UN CDF.

Shirka ayaa diirada lagu saaray sidii adeegyada arimaha bulshada ee ay maamulaan wasaaraduhu loogu daadajin lahaa dowladaha hoose gaar ahaan maamul baahinta Maaliyadda, waxaana Barnaamijkaan uu qayb ka yahay siyaasadda maamul baahinta Dowladda Puntland.

Maxamed Shire oo khabiir ku ah arimaha maamul daadajinta iyo masuul ka tirsan hay’adda UN CDF ayaa barnaamijka sharaxaad ka bixiyay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdulaahi Warsame,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Faarax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Maxamed Cabdirisaaq Nuux iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradaha Deegaanka,Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa shirka ka hadlay.

Xisaabiyaha guud ee  Dowladda Puntland Cumar Saalax ayaa shirka bogaadiyey.

Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dowladda Puntland