2f9b8fcd-5471-46b4-8539-cb18482491f3

Shirka Wadatashiga Cashuuraha Dowladaha hoose iyo Dowladda Dhexe oo maanta Lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

2f9b8fcd-5471-46b4-8539-cb18482491f3GAROOWE – Waxaa maanta ka furmay magaalada Garoowe shir ballaaran oo looga arrinsanayo Cashuuraha dowladaha hoose iyo Dowladda dhexe kaasoo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Shirkan ayaa ,waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Kuxigeenkiisa,Madaxda kala duwan ee Wasaaradda iyo guddoomiyaasha degmooyinka Puntland,Xoghayaasha D/hoose iyo Saraakiil ka tirsan dowladda Puntland ,Xisaabiyaha guud iyo arrimaha gudaha iyo weliba La-Taliyaal.

Xoghayaha Guud ahna Xiriiriyaha Mashaariicda JPLG/LDF Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Jaamac Jowle oo sharaxay Ujeedada shirka ayaa sheegay in muhiimad u yahay dowladda dhexe iyo d/hoose ee Puntland taasoo ah in Cashuuraha la kala cadeeyo qola kastana ay qaadato qeybteeda iyo mas’uuliyadeeda.

0703f3aa-f7f1-4067-9b16-614b40670d82Axmed Jaamac Jowle ayaa sheegay in loo baahan yahay shirkan in uu noqdo mid ka duwan shirarkii hore soona saara Ducoments- cadeynaya Cashuuraha lana mariyo gollayaasha dowlada si loo sharciyeeyo.

Agaasimaha Cashuuraha Beriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Faarax Gaashaan ayaa isagu ka codsaday
dhammaan mas’uuliyiintii isugu timid shirkan dad wax kusoo kordhiya dowladda isla markaana tala bixin laga bixiyo.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa marka hore u mahadceliyey Saraakiisha Maaliyadda iyo la taliyaasha mashruuca JPLG sida quruxda badan ay usoo qaban qaabiyeen shirka

Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ka hadlay muhiimada shirkan u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo guud ahaan dowladda Puntland ,waxaana uu ka qeybgalayaasha ku booriyey warbixin tayo leh iney kasoo saaraan shirkooda.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah xariga uga jaray shirkan wadatashiga Cashuuraha dowladaha hoose iyo dowlada dhexe ,waxaana sii wadidiisa la wareegay La-taliyaasha.

GAROOWE