IMG_4564.jpg

Tababar Garoowe loogu qabtay Maamulayaasha iyo Kuxigeenada W/Maaliyadda ee Cashuuraha Berriga[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta tababar u qabatay maamulayaasha iyo Kuxigeenada Cashuuraha Berriga W/Maaliyadda Puntland.

Tababarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda W/Maaliyadda Puntland oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud W/Maaliyadda,Kuxigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka,Xisaabiyaha guud ee DPL,Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga,Xiriiriyaha Mashruuca PFM ka iyo Agaasimaha Qorsheynta iyo Tababarada.

Tababarkan oo loo qabanayay dhammaan maamulayaasha iyo kuxigeenada Cashuuraha Berriga W/Wasaaradda Maaliyadda ee todobada gobol ayaa ku saabsanaa  siyaasada horumaribta Cashuuraha Berriga.

Xiriiriyaha Mashruuca PFM Cabdiqaadir Xaashi oo ugu horeyn ka hadlay tababarka ayaa sheegay in loo baahan yahay in siyaasada cashuuraha la horumariyo si loola socdo halka uu marayo cashuuraha adduunka hadey noqoto mida Siyaasadda iyo Boqoleyda loo qaado.

Waxa uu xusay in horey tababar loo siiyay shaqaalaha cashuuraha si kor loogu qaado fahamka iyo aqoonta cashuuraha ay qaadayaan.

Agaasime Kuxigeenka guud ee Maamulka W/Maaliyadda Puntland Cali Faarax Gaashaan ayaa isna ku booriyay dhammaan maamulayaasha iyo kuxiflgeenada in ay ka faa’ideystaan tababarka la siinayo maadaama ay iyagu yihiin kuwa shaqada faraha kula jira.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo furay tababarka ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha iney ka faa’ideystaan tababarka,isagoona sheegay in Waaxda Cashuuraha Berriga ahmiyad gaar ah u leedahay Wasaaradda Maaliyadda isla markaana laga shaqeynayo sidii loogu horumarin lahaa meesha ay hadda wax joogaan lagana sii badin lahaa tababarada horumarinta siyaasadda Cashuuraha Berriga.


Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda PuntlandÂ