1P2A8369.jpg

Tababar Garoowe loogu soo xiray Shaqaalaha W/Maaliyadda ee Waaxda Cashuuraha[Sawirro]

Waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe gaar ahaana Xarunta W/Maaliyadda Tababar u socday shaqaale ka tirsan Wasaaradda oo ka socday Saddex gobol oo Puntland ah.

Tababarkan ayaa ,waxaa uu ku saabsanaa sidii shaqaalaha canshuuraha berriga aqootooda kor loogu qaadi lahaa iyadoo la barayo qaabka dakhli xaraynta,qaabka warbixinada loo diyaariyo guud ahaa.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta,Tababarada iyo Tirakoobka Cabdiqaadir Cali Ismaaciil oo ka hadlay muhiimada Tababarka ayaa sheegay in shaqaaluhu si wanaagsan uga faa’ideysteen casharada ay qaateen.

Xiriiriyaha Barnaamijka PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa sheegay in Tababarkan ay bixinayeen khuburo ka socotay Bangiga Adduunka iyo Hay’adda UNICOM.

Agaasime Kuxigeenka dakhliga W/Maaliyadda ahna Kusimaha Agaasimaha guud Cismaan Buux Cali ayaa isna dhankiisa kula dardaarmay shaqaalaha W/Maaliyadda iney casharadii ay barteen sidoo kale uga faa’ideeyaan shaqaalaha kale,isla markaana ugu shaqeeyaan bulshadooda.

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaarada Maaliyada Puntland Mudane Maxamed Jibriil Cateeye oo soo xiray Tababarka ayaa shaqaalaha ku Ammaanay iney ka faa’ideysteen mudadii uu socday,wuxuuna u rajeeyey guul.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Mofpuntland@gmail.com