dsc_0112

Tababar kor loogu qaadayo Aqoonta Shaqaalaha Maaliyadda Puntland oo lagu qabtay Boosaaso(Sawirro)

dsc_0112BOOSAASO – Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Tababar loogu qabtay xarunta Jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso.

Tababarkan oo ku saabsan habka Maareynta Xogta Maaliyadda oo loo yaqaan Financial Management Information System (FMIS) nidaamkan oo ah barnaamuj Computerized ah kaasoo ka qayb qaadanaya Maamulida Maaliyadda dalka.

Tababarkan ayaa,waxaa bixinayey Tababarayaal aqoon sare u leh casharada lagu baranayo ayaa waxaa ka qeybqaatay shaqaalaha Wasaaradda qeybaheeda kala duwan sida qeybta Xisaabaatka,Miisaaniyada,Maamulka,dakhliga iyo Bangiga.

Cabdiqaadir Cali Ismaaciil
Cabdiqaadir Cali Ismaaciil

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Cali Ismaaciil oo daah-furay Tababarka ayaa ka hadlay muhiimada Tababarka.

Mudane Cabdiqaadir Cali Ismaaciil ayaa ku booriyey shaqaalaha fursada u helay Tababarkan in ay ka faa’ideystaan.

……Ujeedada Tababarku waxa weeye waa sare u qaadida aqoonta iyo xirfada shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda qeybaheeda kala duwan sida qeybta Xisaabaatka,Miisaaniyada,Maamulka,dakhliga iyo Bangiga “”ayuu yiri

Maxamuud Saalax Axmed(Caato)
Maxamuud Saalax Axmed(Caato)

Agaasimah Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamuud Saalax Axmed(Caato) ayaa dhankiisa sheegay in Tababarkan mid lamid ah horay loogu soo qabtay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda ee gobolada Puntland.

…….Waxaan Tababarkii ugu horreeyey ku qabanay magaalada Garoowe,oo aan ugu qabanay afar gobol,Sool ,Nugaal,Mudug iyo Karkaar runtii si fiican baa looga faa’ideystay oo aad iyo aad u wanaagsan,Tababarkana waa qeybtii 2aad aan ku qabaneyno ””’ayuu yiri

Maxamuud Saalax Axmed(Caato) ayaa xusay in Tababarkan ka qeybqaadanayaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolada Bari,Gardafuu iyo Sanaag.

Si kastaba hadafka laga yeelayahay Hirgelinta barnaamujkan wuxuu yahay in ]dib u habeyn lagu sameeyo hab-maamulka Hantida guud (Public Finance) si loo gaaro Hufnaan iyo Isla xisaabtan, taasoo looga gol leeyahay sare u qaadida shaqada Hay’adaha Dowladda.

dsc_0104 dsc_0107 dsc_0108 dsc_0117 dsc_0121 dsc_0127 dsc_0129 dsc_0131 dsc_0134 dsc_0143 dsc_0148 dsc_0151 dsc_0155 dsc_0159 dsc_0208 dsc_0209 dsc_0214 dsc_0216 dsc_0218 dsc_0220 dsc_0222 dsc_0230 dsc_0231 dsc_0232 dsc_0239 dsc_0244 dsc_0276 dsc_0280 dsc_0286 dsc_0287 dsc_0289 dsc_0291 dsc_0292 dsc_0296 dsc_0298

Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com
Bosaso/Office