FB_IMG_1520351262492.jpg

Tababar ku saabsan Hab-raaca Xisaabaadka iyo Miisaaniyadda oo Garoowe uga furmay Shaqaalaha W/Maaliyadda Puntland[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa maantay tababar u furay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Tababarkaan oo ku saabsan hab-raaca xisaabaadka iyo miisaaniyadda dowladda Puntland ayaa loo qabtay shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada xisaabaadka Wasaaradda maaliyadda ee sagaalka gobol ee Puntland.

Tababarkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xiriiriyaha mashruuca PFM ee Maaliyadda iyo sidoo kale xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland,waxaana furay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdilaahi Siciid Carshe Dhaqaaje.

Tababarkan oo socon doona muddo 8 casho ah ayaa looga goleeyahay sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha ka hawlgala Xafisyada Xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee sagaalka gobol ee Puntland,waxaana qabanaysa shirkadda UNICOM oo arrimahan si weyn uga shaqeysa,iyadoo dhanka dhaqaalahana uu ka taageerayo Bankiga Adduunka ee World Banka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdirsisaaq Maxamed Xasan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdirsisaaq Maxamed Xasan ayaa si weyn ugu mahadceliyay dhammaan inta ka qeyb qaadatay in uu qabsoomo tababarka,isagoona kula dardaarmay shaqaalaha loo qabtay inay ka faa’iidaystaan casharadda ay qaadanayaan.

Wasiirka Waaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe Dhaqaaje

Wasiirka Waaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe Dhaqaaje oo tababarkaan furay ayaa shaqaalaha ku booriyay in ay ka faa’idaystaan tababarka,wuxuuna sidoo kale sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go’antahay sare u qaadida aqoonta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si bulshadu u hesho adeegyo tayo leh.

Waaxda Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Xafiiska Garoowe