Tababar ku saabsan Qiimaynta Hanti-dhowrka gudaha oo lagu qabtay Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Waxaa maanta ka furmay Jabir Plaza Hotel Boosaaso tababar ku saabsan qiimaynta Hanti Dhawrka Gudaha ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.

Tababarkan ayaa loo qabatay shaqaalaha hanti dhawrka gudaha ee ka yimi Gobolada Bari, Haylaan iyo xubno ka socdey xarunta dhexe ee Garoowe, tiro ahaana ay gaarayeen 23 xubnood.

Casharada Tabarbarkan Waxaa bixinaayay khabiirka hanti dhawrka gudaha Cabdalle Amiiri iyo madaxa hanti dhawrka gudaha Axmed Cabdi Maxamed.

Intii uu socday tababarkan loo qabtay shaqaalaha hanti dhawrka gudaha waxaa si wayn looga dooday qodobo ay ka mid yihiin.

1) In la fahmo shaqada Hanti Dhawrka Gudaha ee gobolka Bari.

2) In xog la is-weydaarsado khabiirka iyo shaqaalaha Hanti Dhawrka Gudaha ee gobolka Bari.

3) In khabiirku u sharxo qorshe hawleedkiisa iyo sidii uu u caawin lahaa.

Soo afmeerida tababarkan ayaa la filayaa in khabiir Cabdalle Amiir  uu qiimayn uga soo bixi doonto caqabadaha jira iyo sidii loo tayayn lahaa  shaqada Hanti Dhawrka Gudaha.

Waxaa xusid mudan in Maashruucan uu  maalgeliyay PFM oo gacan ka helaya Bangiga Adduunka.

Baahintii 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland