5584BF0B-CE79-4B09-868C-A6EEAFA10E02.jpg

Tababar ku Saabsan Sharciyadda oo loo qabtay Shaqaalaha Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magalaada Garoowe ayaa lagu qabtay tababar ku aadan dhanka shirciyada, waxaana loo qabtay shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Tababarkan waxaa daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdullahi Warsame, waxana kasoo qaybgalay Agaasime ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Inta uu socdo tababarkan waxaa xooga lagu saari doonaa ogaanshaha baahiyaha ay qabaan waaxyaha Wasaaraddu, laguna tababaro dhanka shirciyada si ay u gutaqn waajibaadka shaqo ee ay u hayaan Bulshada reer Puntland.

Marka laga yimaado shirciyadii 1960 Dawladda Puntland waxa ay hirgalisay shirciyo dhanka dhaqaalaha ah , Golaha Baarlamaanka Puntland ay ansixiyeen qaybo kalena dhowaan dib loo eegi doono, waxaana casharadaasi bixinaayay Madaxa shirciyada Wasaaradda Axmed Ciise Axmed.

Tababarkan loo qabtay waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Xafiiska Agaasimaha Guud iyo Xafiiska sharciyada Wasaaradda Maaliyadda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland