Tababar loo qabtay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 03.11.2020 loo qabtay Tababar ku saabsan Sharciga shaqaalaha DPL iyo Xeerka Anshaxa shaqaalaha qaybtiisa 2aad loo qabtat shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso.

Tababarkan ayaa waxaa ka faa’ideysanaya shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland sida Dakhliga,Miisaaniyadda, Maamulka Xisaabaadka iyo Xafiiska Baarista gudaha iyo mas’uuliyiin isugu jira Agaasime kuxigeeno.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa si rasmi ah u furay tababarka. Wuxuuna kula dardaarmay shaqaalaha iney si wanaagsan uga faa’ideystaan mudada uu socdo tababarka.

Ugu dambeyn Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa u mahadceliyay Waaxda Arrimaha Sharciga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo tababarkan soo agaasintay.

Xafiisaka Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda

Dawladda Puntland