AFCABBEE-9A87-4D15-982E-2699329170C5.jpg

Tababar loo qabtay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Boosaaso(Sawirro)

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa loo qabtay Tababar ku aadan ololaha dakhliga iyo kalsooni galinta shacabka Puntland.

Tababarkan ayaa loo qabtay shaqaalaha ka howlgala xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay magaalada Boosaaso.

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee loo qabtay tababarkan ayaa tiradoodu kor u dhaaftat labaatan,waxana lagu qabtay Hoolka shirarka Wasaaraddu ku leedahay magaalada Boosaaso.

Tababarkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasime kuxigeenka guud ee dakhliga Xasan Cali Samatar,Madaxa shaqada iyo shaqaalaha C/rishiid Axmed Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Xasan Cali Samatar Agaasime guud xigeenka Dakhliga ayaa shaqaalaha loo qabtay kula dardaarmay in ay wakhti fiican galiyaan tababarkan loo qabtay.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/2307857055903317/

Ruqiyo Cabdicasiis Maxamed oo ah macalimada fulin doonta tababarkan oo halkaasi ka hadashay ayaa sheetay in ay ku faraxsantahay in ay Boosaaso timaado,tababarkana ka fuliso,waxayna shaqaalaha ka codsatay in ay la shaqeeyaan.

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee loo qabtay tababarkan ayaa si weyn u baran doona casharo la xiriira shaqada dakhliga iyo fahamka bulshada.

Tababarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee loo qabto shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda aydoo la filayo in la qaban doono Tababaro noocan oo kale ah.

Tababarkan waxaa fulinaaya Xafiiska PFM Public financial management oo taageero ka helaaya Bangiga adduunka.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland