Tababar loo qabtay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Waaxda Arimaha Sharciyada Wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay Tababar ku saabsan sharciga shaqaalaha iyo sharciga anshaxa shaqaalaha.

Tababarkan oo ah qaybtii afaraad ayaa waxa ka faa’idaysanaya shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Tababarkan waxaa si wadajir ah u daahfuray Madaxa Arrimaha sharciyada Wasaaradda Maaliyadda Puntland Avv Axmed Ciise Guulwade iuo Xisaabiyaha gobolka Mudug ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Ismaaciil Cabdinuur.

Labada mas’uul ayaa si wadajir shaqaalaha ugula dardaarmay iney ka faa’idaystaan tababarka mudada uu u socdo. Waana qaybtii afaraad.

Xafiisaka Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dawladda Puntland