06.jpg

Tababar loogu qabtay Boosaaso shaqaalaha Kastamka Dekedda iyo Airporka ee Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

Waxaa maanta tababar looga furay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari shaqaalaha Kastamka Dekeda iyo garoonka diyaaradaha ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalood ah ayaa ,waxaa casharada bixinaya khuburo ka socota UNICOM ,iyadoona ay fududeynayso Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Puntland Siciid Axmed Fagaase

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Puntland Siciid Axmed Fagaase oo tababarka furay ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid muhiim weyn u leh shaqaalaha Kastamiska.

“ Tababarkan waa mid ku saabsan Custom Declaration,waxaana la rabaa in Foomiska aad cashar ka qaadataan,waxaana la rabaa in casharada aad qaadanaysaan aad ku noqotaan xirfadyahanadii berrito,iyaguna kuwa kale sii-bari lahaa looguna shaqeyn lahaa”ayuu yiri Mr Fagaase.

Waxa uu sheegay in looga baahan yahay shaqaalaha ka qeybgalaya tababarkan iney sida ugu wanaagsan uga faa’ideystaan casharada ay bixinayaan khuburada.

Hoos ka daawo Sawirrada

Waaxda Wacyigelinta Iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland