FB_IMG_1521006633637.jpg

Tababar loogu soo xiray Garoowe shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

Waxaa maanta ugu soo xirmay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland tababar loo qabtay shaqaalaha Qasaaradda Maaliyadda gaar ahaan qeybaha Xisaabaadka guud iyo Miisaabiyadda.

Tababarkan ayaa lagu baranayay Maamulka Xisaabaadka iyo Miisaaniyadda taasoo shaqaalaha si fiican loogu faahfaahiyay muhiimada casharada.

Tababarkan ayaa waxa si wadajir u bixinayay khuburo ka socotay Bangiga adduunka iyo Hay’adda UNICOM.

Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland, Kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda ee ka faa’ideystay tababarka ayaa ka hadlay muhiimada tababarka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa ugu dambayn soo xiray tababarka,wuxuu shaqaalihii tababarka ka faa’ideystat ku gubaabiyey inay ku dabakhaan goobihii shaqo ee ay ka yimaadeen aqoonta ay barteen, isagoo ugu dambayn shahaadoyin gudoonsiiyey shaqaalihii tababarka qaatay.

Waaxda Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland