2

Tababar Loogu Soo Xiray Garoowe Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

2GAROOWE – Magaaladda Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland ayaa maanta tababar loogu soo xiray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland kaasoo u socday muddo Todoba maalmood ah.

Tababarkan oo ay bixinayeen khuburo ka socotay Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa Is-dhaafsiga aqoonta laga helay Bangiga Adduunka kaasoo looga faa’ideynayey xubnaha ka socday Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

3
Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed

Xiritaanka Tababarkan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Camey,Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Puntland.

Tababarkan ayaa diirada lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadida mashruuca bixinta Mushaharaadka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya,waxaana sidoo kale ka qeybgalay xubno ka socday Wasaarada Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo xiritaanka Tababarkan hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mashruucan ka faa’ideysan doonto Soomaalida oo dhan maadaama uu horumar horseedayo.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Camey ayaa isna sheegay in uu ku faraxsanyahay ka qeybgalka xiritaanta Tababarkan ayaa sheegay in Tababarka aqoonta lagu kobcinayo la badiyo lana geliyo wakhti badan.

Warbaahinta ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com