Tababar magaalada Garoowe loogu soo gabagabeeyey Shaqaalaha Wasaarada Maaliyadda Puntland(Sawirro)
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/06/2016 tababar u socday shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland loogu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe.
Tababarkan ayaa lagu baranayey habka loo maamulo xisaabaadka,dakhliga iyo kharashaadka oo qaab Kompuyuutar ah kaasoo ay maamuli doonaan dhammaan hay’adaha dowladda Puntland.
Tababarkan ayaa nidaamka lagu baranayey ,waxaa fududeysay Bangiga Adduunka iyadoona qaabka ay ku shaqeeyaan kuna howlgalaan dawladaha horumaray ee caalamka,waana hab si casri ah loo maamulo dhaqdhaqaaqa
xisaabeed.
Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Shaqaalaha Maaliyadda Mudane C/risaaq Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Furdooyinka Mudane Cismaan Buux Cali iyo Xisaabiyaha Guud PL Mr. C.risaaq Siciid Nuur ayaa kula dardaarmay shaqaalaha iney casharadii ay barteen ugu shaqeeyaan shacabkooda.
Tababarkan ayaa waxaa bixinayey Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo PFM coordinator ,isagoona si wanaagsan ugu sharaxay casharadii ay tababarka ku qaadanayeen shaqaaluhu.
Maxamuud Cabdisalan Xasan
Madaxa Wasaarada
Warbaahinta ee Garowe