DSC_0550

Tababar socday Shan maalmood oo lasoo Gabagabeeyey Ciidamada illaalada Wadooyinka ee Taraafikada gobolka Bari(Sawirro)

DSC_0550Tababarkan oo Muddo 5 Maalmood ka socday Xarunta  Cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaaladda Bosaso, Waxaana uu la xiriiray Shuruucda Wadooyinka, Jihaynta Gaadiidka iyo Buuga ganaaxa baabuurta kaasi oo lagu tababaray ciidanka ilaaladda wadooyinka ee taraafikadda ee Gobolka Bari.

Agaasimaha Guud ee Cashuuraha Beriga W/Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan)  oo  soo xiray tababarka ayaa kula dardaarmay ciidanka ka faa’iidaystay casharada inay dabakhaan oo ay fuliyaan shuruucda wadooyinka iyo Buuga ganaaxa.

DSC_0579Taliyaha Taraafikada gobolada Bari, Sanaag, Gardafuu, Karkaar iyo Hayland Maxamed Finiin Yuusuf  oo isna ka hadlay xiritaankii Tababarka ayaa faahfaahin ka bixiyay Tababarkan, Waxaana uu ballanqaaday in ciidamadda taraafikadu ay  hirgalin doonaan shuruucda Wadooyinka iyo Buuga Ganaaxa

Tababarkan ayaa qeyb ka noqonaya dadaalo muddooyinkii danbe ay is wadajir ah u wadeen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland gaar ahaan waaxda Cashuuraha iyo Laanta Ciidamada Ilaalada Wadooyinka, kaasi oo kor loogu qaadayo tayada ciidamada Taraafikadda , islamarkaana lagu hirgalinayo shuruucda wadooyinka, iyo Buuga Ganaaxda oo lagu ganaaxayo baabuurta iyo Wadayaasha baabuurta  ee ku xadgudba shuruucda Wadooyinka.

DSC_0548 DSC_0562 DSC_0566 DSC_0573

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com