PHOTO-2019-09-28-20-04-50_1.jpg

Tallooyin kasoo baxay kulanka Wadatashiga Hindise-sharciyeedka Maamulka Dakhliga ee lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE­­­­ – Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulankii labaad ee wadatashiga Hindise-sharciyeedka Maamulka Dakhliga dalka JFS oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland 26-28.Sep.2019.

Kulankan waxaa kasoo qaybgalay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS,Guddiga Maaliyadda iyo Xisaabaadka Golaha Wakiilada Puntland,Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay martigelisay Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ,waxaa lagu falanqeeyay Hindise-sharciyeedka Maamulka Dakhliga ,waxaana si wadajir ah la isula qaatay qodobada hoos ku xusan.

  • Maadaama Hindise Sharciyeedkan meel-marintiisu ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka, in lagu biiriyo wixii talooyin ah loona gudbiyo guddiga Maaliyadda BJFS.
  • Waxa Hindise Sharciyeedka gundhig looga dhigay lana waafajiyey mabaadi’da Dastuuriga ah ee Federaalka qodobbada 48-444, 50-aad iyo 51-224,
  • Arimaha farsamada, luqada, qaab-dhismeedka sharci iyo siiqada nuxurka qaanuuneed waxa loo daayey Golaha Shacabka BJFS, iyo gudiga Maaliyadda Federalka maadaama aan guddigu hadda waqti ku filan u hayn.

Ujeeddada xeerka waxa loo qoray” Ujeeddada Xeerkani waa in lagu Maamulo Dakhliga Dalka JFS”.

  • In godobka 1074 ee ka hadlaya erey-bixinta( fasiraad), loo soo raro qodobada ugu horeeya si fahamka xeerku u sahlanaado.
  • Qodobbada 4-4 iyo 104-aad waxa lagu daray ” Isagoo la tashanaya Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah DFS”.
  • Qodobka 104-244 fargadiisa 1-284 waxa laga saaray ” Xuduudaha gudaha dalka”.

Qodobka 10484 waxan ku soo darnay fargad 11-84 00 u goran” Soo saaridda shuruucda ku xusan qodobkan waa in ay si wada jir ah uga tashadaan dawlada Federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah DFS.

  • Qodobka 10574 ee hindise sharciyeedkan waxa loo raacayaa lana waafajiyey qodobka 125-224 ee dastuurka JFS.
  • Qodobka 106-224 waxa laga saaray” Ogow”
  • Waxa lagu daray Hindise Sharciyeedka qodob cusub 00 loo habeeyey sidan hoos ku xusan;

Awoodda Sharci Fulineed

Iyadoo la tix-gelinaayo mabaadi’da Federaaliga ah ee ku xusan godobbada 48-224, 50-244 iyo 51-224 ee dastuurka KMG JFS ,Wasaaradaha Maaliyadda ee dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalku waxay masuul ka yihiin una xil-saaran yihiin;

  1. Maamulka dakhli iyo canshuureed ee heerkooda xukuumadeed.
  2. Ka qayb-qaadashada iyo ka talo-bixinta xeer-nidaamiye kasta uu soo saarayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda heer Federaal kuna saabsan dakhliga iyo canshuuraha dalka.
  3. Ka qayb-qaadashada wax-ka-bedelka quseeya xeerarka dakhliga dalka.

Gaba-gabo

Guddiga gaarka ah ee dawladaha xubnaha ka ah dawladda FS 00 loo xil-saaray ka talo- bixinta hindise sharciyeedka maamulka dakhliga dalka, waxay soo jeedinayaan in Golaha Shacabka ee BJFS ay tix-gelin siiyaan talooyinkan la isku raacay, si mug lehna u saxaan arrimaha farsamo ee kuxusan qodobka 34 ee warbixintan, ka dibna ay meel-mariyaan maadaama ay jirto baahi guud oo dalku waqtigan u qabo gudbinta xeerkan.

Allaa Mahad Leh

—–Dhammaad—-

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland