Waxaa munaasibad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Jaamacadda Boosaas-Garowe Ardaydii ay dagaaladu ka hakiyeen Waxbarashadoodii ee katimid dalka Suudaan kuwaas oo Waxbarashadooda loogu dhameystirayo Jaamacadda Boosaaso Garowe

Waxaa munaasibad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Jaamacadda Boosaas-Garowe Ardaydii ay dagaaladu ka hakiyeen Waxbarashadoodii ee katimid dalka Suudaan kuwaas oo Waxbarashadooda loogu dhameystirayo Jaamacadda Boosaaso Garowe, waana qeybtii ugu horaysay oo ah Arday katimaada wadamo kala duwan
Jaamacadda Boosaaso ayaa noqonaysa Jaamacaddii ugu horaysay oo Waxbarasho dalka gudihiisa kusiisa Ardaydan, iyadoo kaashanaysa Jaamacadda #NAHDA Suudaan.
Maamulka Jaamacadda Boosaaso Garowe ayaa caawa heshiis iskaashi Waxbarasho oo dhan walba leh la saxiixday Jaamacadda NAHDA Suudaan, wuxuuna heshiiska ka dhacay xarunta Jaamaccadda Boosaaso.
“Waxbarashadda Ardaydan waxaa iska kaashanaya labada Jaamacadood ee kala ah NAHDA Suudaan & Jaamacadda Booasaaso, waxaana heshiidskan si wadajir ah usaxiixay Guddoomiyaha guud ee Jamacadda Boosaaso Garowe, DR. Maxamed Cali Maslax & Dr. Eman Bashir oo ah guddoomiyaha Jaamacadda NAHDA Suudaan”
Munaasibadda waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda Dr. Maxamed Cali Faarax, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Puntland Maxamuud Ciyoon, Agaasimaga Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Faarax, Aqoonyahanada & Macalimiinta Jaamacadaha NAHDA Suudaan & Jaamacadda Boosaaso