BCCE8F42-BC18-4938-8FFD-AC9ED44054C8.jpg

W/Maaliyadda Puntland oo Bilowday Ololaha diiwaangelinta cashuur bixiyaasha dhexe iyo kuwa yaryar[Sawirro]

GAROOWE – Maanta oo ay taariikhdu tahay 04.01.2020 ayaa Wasaaradda Maaliyadda bilowday olole lagu diiwaan galinayo canshuur bixiyaasha Dhexe iyo kuwo yaryar. kuwaas oo qiyaasteeda dhan tahay  3000 (seddex kun oo meheradood) canshuur bixiye oo ay dhamaantood ku yaalaan magaalada Garoowe.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxay ololahaas wadaysa muddo dhan labo todobaad.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay Agaasime kuxigeenka guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir  ayaa sheegay in ahmiyad u leedahay dhammaan ganacsatada in la diiwaangaliyo si ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Puntland.

Sidoo kale Agaasime kuxigeenka Guud ee Dakhliga ayaa xusay in wanaagsan loola dhaqmo ganacsatada,lana diiwangaliyo, sidoo kale wuxuu ka dalbaday in ganacsatadu inay u fududeeyaan Wasaaradda Maaliyadda xogta diiwaangalinta oo mustaqbalka dhaw wax tar u noqon doonta ganacsatadda reer Puntland sidii ay u heli lahaayeen maalgelin ganacsi. 

Dhanka kale Agaasime waaxeedka Deeqaha dibadda Professor Nuuraani Xaaji Maxamed Axmed ayaa xusay muhiimada uu leeyahay ololahan ayaa sheegay;

…” Diiwaangelintaas waxa uu ahmiyad gaara ah u leeyahay ganacsatada oo ah in uu kaga qeybgalo dhammaan mashaariicda ka socota Puntland, shirkad kasta waxa loo ilaalinayaa magaca iyo hantidiisa gaaarka ah iyo dhammaan xuquuqaha uu ku leeyahay dowladda Puntland…”ayuu yiri

Sidoo kale Dawladda ayaa u nidaaminaysa Ganacsiyada dhexe iyo kuwo yar yar si kor loogu qaado adeegyadda loo qabto, ayadoo la hagaajin doono habka bixinta cashuuraha ku waajibay.

Ugu danbayntii Wasaaradda Maaliyadda ayaa ganacsiyadda waa wayn diiwangalin ku sameysay ,ayadoo lasoo dhamaytiray. waxaana la siin doonaa Numberka cashuur bixiyaha, sidoo kale waxaa loo sameeyay Xafiis gaar u ah(Large Tax payer office ) oo loo magacaabay shaqaale hufan oo karti leh una adeega ganacsiyadda waawayn.

Xafiiska Warfafinta & wacyigalinta

W/Maaliyadda DPL Garoowe