B71B87F4-B657-4348-A683-A871C479D408.jpg

W/Maaliyadda Puntland oo bilowday Olole lagu diiwaangelinayo Cashuur bixiyaasha waaweyn[Sawirro]

GAROOWE – Maanta oo ay taariikhdu tahay 16.11.2019 ayaa Wasaaradda Maaliyadda bilowday olole lagu diiwaan galinayo canshuur bixiyaasha waa weyn( large tax payers).

Wasaaradda Maaliyaddu ayaa  diiwaan galinaysa canshuur bixiyayaasha waa weyn kuwaasoo dhan 27 canshuur bixiye, ayagoo qaybtood ay xaruntoodu tahay magaalada Garoowe, Wasaaradda Maaliyadda waxay ololahaas wadaysa todoba maalmood.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay Agaasimaha Canshuuraha Berriga Mahdi Faarax Qambi.

“ Diiwaangelintaas  waxa uu ahmiyad gaara ah u leeyahay ganacsatada oo ah in uu kaga qeyb galo dhamaan mashaariicda ka socota Puntland, shirkad kasta waxa loo ilaalinayaa magaca iyo hantidiisa gaaarka ah iyo dhamaan xuquuqaha uu ku leeyahay dowladda Puntland…”ayuu yiri

Sidoo kale Dawladda ayaa u nidaaminaysa shirkadaha waa wayn oo bixiya cashuuraha ugu badan, Shirkaddahaas ayaa loo sameyn doonaa xafiis gaar ah oo nidaamin doona cashuuraha waajibka ah ee lugu leeyahay, asagoo u sameyn doona adeegyada kala duwan ee cashuur bixiyuhu u baahanyahay. 

Xafiiska Warfafinta & wacyigalinta

W/Maaliyadda DPL Garoowe