IMG_4710.jpg

W/Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo tababar u qabatay ganacsatada yaryar iyo bulshada Rayidka ah(Sawirro)

GAROOWE –  Tababarkaan ayaa waxa uu ku saabsanaa Waxbarashada Cashuuraha ganacsatada Cusub,waxaana tababarka furay Agaasime K/Xigeenka Guud ee dhanka Dakhliga W/Maaliyadda Cisman Buux Cali.

Mudane Cismaan Buux Cali ayaa waxa uu ka soo qayb galayaasha kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan dhammaan casharada ku saabsan tababarka.

Mudane Cismaan Buux Cali

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in ganacsatada yaryar ay ogaadaan waxa cashuurtu tahay, sida ay ugu waajibtay iyo qaybaheeda ay ka koobantahay.

Tababarkan ayaa muhiimada ugu wayna ee loo qabtay waxa ay tahag sidii ganacsatada cusub ay barato cashuurta ku waajibtay iyo xuquuqaha lagu leeyahay iyo mida ay ku leeyihiin dawladooda si ay isku wafaqaan waxay bixinayaan iyo meesha ay ku baxayso cashuurta ku waa jibtay.

Sidoo kale in loo helo dhaammaan cashuur bixiyaasha adeegyadii ay dowlada uga baahnaayeen.

Xaquuqda cashuur bixiyaha.

  1. In lawargaliyo, lacaawiyo oo la maqlo.
  2. Xuquuq rafcaan qaadasho.
  3. Xaqa in aan la bixin wax ka badan qadarka saxda aj ee cashuurta.
  4. Wajibaadka cashuur bixiyaha
    1. In daacad la ahaado
    2. In la wada shaqeeyo
    3. In la bixiyo macluumaadka saxda ah iyo warqadaha cadeymaha ah.
    4. In la hayo diiwaanadda
    5. In lugu bixiyo cashuurta wakhti sugan
    Adeegyada aan cashuurta ahayn.
    1. Macluumaad cashuur oo bilaasha oo ka buuxinaya wajibaadkiisa.
    2. Cawimaad talefoon.
    3. Caawimaad kafool kafoola.
    4. Caawimaad qaab email.

Ugu danbeyntii kasoo qayb galayaashii tababarka waxay fahmeen cashuur bixiyaha wuxuu xaq u leeyahay iyo waxa lagu leeyahay,waxayna ku baaqeen in ganacsatada waa weyn in loo qabto tababaro noocaan oo kale ah.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaajinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland