DSC_0207

Wafdi ka socda Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland oo Aqoon korarsi shaqo ka helay W/Maaliyadda ee Puntland [Sawirro]

DSC_0207BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameysay xubno sarsare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Jubbaland.

Xubnahan Wafdigan oo ka koobna saddex xubnood oo kala ah Agaasimaha dakhliga Maxamed Kaamil ,Madaxa Internal Udit-ka iyo Agaasimaha Waaxda ICT-ga ayaa booqday Waaxyaha kala duwan ee shaqo Wasaaradda Maaliyadda.

DSC_0006Xubnahan Wafdigan oo ka koobna saddex xubnood oo kala ah Agaasimaha dakhliga Maxamed Kaamil ,Madaxa Internal Udit-ka Cabdirixmaan Sh.Adam iyo Agaasimaha Waaxda ICT-ga Cali Aadan Maxamed ayaa booqday Waaxyaha kala duwan ee shaqo Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale waxay tageen Furdada Bosaso oo ay kula kulmeen Maamulaha Cali Shirwac,isagoona mid mid ula wadaagay qeybaha shaqo sidii ay khibrad uga korarsan lahaayeen Wafdigu.

Ujeedada ugu weyn ayaa ahayd sidii ay uga qaadan lahaayeen macluumaad arrimaha shaqo ee Waaxyaaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland isla markaana u qaataan wixii Xog ah oo ay shaqadooda ku dabaqi karaan.

DSC_0089Agaasimaha Guud Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa ka hadlay Wafdiga iyo Ujeedada ay u yimaadeen Puntland.

Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa sheegay Wafdigan u yimaadeen Puntland sidii ay Xog aqooneed uga heli lahaayeen shaqada dowladda ee ka socota magaalada Bosaso sida Maaliyadda,Dekedaha,Ganacsiga,Howlaha guud iyo dowladda hoose ee magaaladda.

Agaasimaha dakhliga Maxamed Kaamil ayaa sheegay iney Puntland ku joogaan safar shaqo oo ay labada dowladood muddo kasoo wadashaqeynayeen ayna codsatay Jubbaland.

DSC_0108Maxamed Kaamil ayaa tilmaamay in Puntland gaar ahaana Wasaaradda Maaliyadda ka heleen aqoon iyo khibrad shaqo si ay u dhisaan nidaamkii Maaliyadeed ee Jubbaland oo mudadii uu maamulku jiray wax badan kasoo qabanay.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo ugu danbeyn ku qaabilay Xafiiskiisa ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Jubbaland isla markaana ka caawinayaan wixii ay uga baahdaan dhanka Wasaaradda Maaliyadda.

Si kastaba ha ahaatee Wafdiga ka socday Wasaaradda Maaliyadda ee Jubbaland ayaa xalay loo sameeyey casha sharaf sagootin ah taasoo ay ka qeybgaleen Madaxda ugu sarsareysa W/Maaliyadda ee dowladda Puntland.

DSC_0029 DSC_0074 DSC_0080 DSC_0083 DSC_0101 DSC_0103 DSC_0119 DSC_0120 DSC_0126 DSC_0130 DSC_0132 DSC_0146 DSC_0150 DSC_0181 DSC_0187 DSC_0194 DSC_0195 DSC_0203 DSC_0204 DSC_0207 DSC_0208 DSC_0214 DSC_0217 DSC_0218 DSC_0219 DSC_0221 DSC_0223 DSC_0226 DSC_0229 DSC_0230 DSC_0231 DSC_0232

Xafiiska Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com