unnamed-1.jpg

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland oo booqday deegaanada Ceel-daahir Iyo Midi-gale[Sawirro]

Wafi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa booqday deegaanada Ceel-daahir iyo midi-gale,sidoo kale waxa ay booqdeen Waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo.

Wafdigan sidoo kale ,waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ,Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) saraakiil iyo madax kale.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay degmada Carmo ayaa ugu horeyn booqday deegaanka Ceel-daahir,iyagoona kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxa ay u gudbeen oo kormeer ku sameeyeen Waddada Ceel-daahir-Ceerigaabo oo ay shaqo ka socotay,waxayna warbixino ka dhageysteen Injineerada iyo Guddiga gacanta ku haya dhismaha Waddadan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo xubnaha kale ayaa ugu dambeyn gaaray deegaanka midi-gale oo ka tirsan gobolka Sanaag iyagoona kulamo la qaatay bulshada,sidoo kale dadka deegaanka kana dhageystay baahiyadooda.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa laf-dhabar u ah dhismaha Waddada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo.

Osman Isse
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta
Boosaaso