DA588797-E42E-4628-A03A-DB3DC77E88F8.jpg

Wafti ka socda Dowladda Puntland oo gaaray dalka Itoobiya[Sawirro]

ADDIS ABBA – Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa gaaray wafti ballaaran oo ka socday Dowladda Puntland.

Waftigan waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga Puntland, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland.

Madaxda Puntland ee gaaray Itoobiya ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Oromiya soo dhaweynta ballaaran ay u sameeyeen.

Shir ay wada yeesheen Madaxda Puntland iyo Madaxwaynaha Oromia oo ay weheliyaan Ganacsato ayaa looga hadlay arimo ku aadan ganacsiga.

Shirkan ayaa raadraac u ahaa shirkii maalgashiga ee Dawladda Puntland qabtay Bishii sagaalaad ee sanadkan 2019.

Madaxda Dawladda Puntland ayaa Madaxwaynaha Oromia State iyo ganacasata u soo bandhigay faa’idooyinka ganacsi ee labada dhinac ay is dhaaf sadaan.

Ganacsatada Itoobiya ayaa dhanka Puntland ka heli doona Kalluun, Beeyada iyo cusbada halka gamacsatada Puntland dhanka Itoobiya ka helo doonaan qudaarta iyo alaabo ganacsi oo badan.

Shirkan waxaa ka soo baxay in Puntland  imaan doonaan ganacsato Itoobiyaan ah si ay kulan dheeri ah ula qaataan madaxda Dawladda Puntland.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland