22046049_2000805646820180_6938228414193147849_n.jpg

Wafti ka socda Wasaaradda Maaliyadda Federaalka iyo maamulada dalka oo soo gaaray Garoowe(Sawirro)

Wafti ballaaran oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe.

Waftigan oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa la kulmay soo dhaweyn ballaaran.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Agaasimaha Cashuuraha Berriga Cali Farxaan iyo madax ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa waftigan kusoo dhaweeyey Garoowe.

Waftigan ayaa kaga qeybgeli doona magaalada Garoowe shir ballaaran oo maalmo kadib ka dhici doona caasimada ,kaasoo arrimo badan looga wada hadli doono.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin Waftigan soo gaaray magaalada Garoowe,kuna soo dhawaadaan gacmo furan.

Hoos ka daawo Sawirada

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntlnad