IMG_2012.jpg

Wafti ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Maamul goboleedyada oo soo booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe(Sawirro)

Wafti ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa maanta soo booqday xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku leedahay magaalada Garoowe.

Waftigan ballaaran ,waxaa hoggaaminayay Wasiirka Shaqada iyo Dhalinyaradda Dowlada Soomaaliya,waxaana kamid ahaa:

  1. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Jubaland.
  2. Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Galmudug.
  3. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha maamulka Koonfur Galbeed.
  4. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha maamulka Hirshabelle iyo Xubno kale.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan

Waftigaan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafey hawlo shaqo u joogay magaalada Garoowe,waxaana kusoo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo warbixin guud ka siiyay hawlo shaqo ee Wasaaradda iyo Xafiisyada ay ka kooban tahay.

Ma ahan markii ugu horaysay ee wafti ka socda Madaxda Federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka ay soo booqdaan dhismaha casriga ah xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com