Wafti uu hoggaaminayo Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo booqday Dekedda Garacad(Sawirro)

GARACAD – Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibrahim Warsame (Qowdhan) ayaa maanta booqday dagmooyinka Jariiban iyo dekadda Garacad ee gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa booqday xarunta degmada iyo Dekadda Garacad iyadoo ay la kulmeen dhammaan mas’uuliyiinta Shirkadda Wadaagsin oo ah shirkad maxalli ah oo gacanta ku haysa dhismaha Dekadda Garacad.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibrahim Warsame ayaa warbixno kala duwan ka dhagaystay mas’uuliyiinta Wadaagsin oo ay weheliyaan khuburada dhismaha Dekadda.

Wasiir Kuxigeenka ayaa boggaadiyay horumarka baaxada leh ee ka socda dhismaha Dekadda iyadoo uu ku amaanay mas’uuliyiinta Wadaagsin sida ay uga dhabeeyeen mashruuca dhismaha Dekadda Garacad.

Maamulka Shirkadda Wadaagsin ayaa soo bandhigay qorshaha dhamaystirka Dekadda iyagoo soo dhaweeyay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka wada shaqayn doonaan qorshayaasha kala duwan ee labada dhinac horyaal.

Wafdiga ayaa loo sameeyay booqasho ay ku sameeyeen dhammaan shaqooyinka wanaagsan ee ka socda Dekadda iyadoo ay soo arkeen shaqo kasta oo ka socota dekadda Garacad.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa qorsheynaysa in ay ka hawl gasho Kastamka Garacad markii la dhamaystiro si loo bilaabo fududaynta ganacsiga horumaritna dhaqaalaha ee dalka.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland