Dib u habeynta Darajada Shaqaalaha DPL, (PL Pay and Grading Reform)

GAROWE-Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Shir gudoomisay Gunaanadka Barnaamijka dib u eegida Mushaharaadka iyo darajooyinka Shaqaalaha Dowladda Puntland. Shirkan ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudida dib u eegida Mushaharaadka iyo Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka, Shirkan oo lagu casumay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha, Hayadaha dowladda iyo Madaxtooyada dowladda Puntland, kulankan ayaa lagu soo gaba gabeeyey ( Validation ) Barnaamijka dib u eegida Mushaharaadka iyo darajooyinka Shaqaalaha Dowladda Puntland oo meel gabo gabo ah maraayey.Shirkan ayaa waxa Muqaalka fogaan araga kaga jiray Madax ka socota World Bank iyo Shirkada particib oo dib u habaynta qayb ku lahayd. Shirkan waxaa goob joog ahaa : Agaasime Guud ee W. Qorshaynta, Agaasimaha Ku xigeenka Madaxtooyada, Guddoomiye Hay’adda Shaqaalaha Rayidka, Guddoomiyaha Hay’adda la dagalaanta Musuq maasuqa, Agaasimayaasha waaxyaha Shaqada iyo shaqaalaha, Qorshaynta, Sharciyada, kusimaha Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, M & E CIP ee Puntland Maxamuud Siciid, lataliyaha Wasiirka iyo Madax kale oo kasoo qayb gashay.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland