Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo daahfur u sameysay nidaamka cusub ee SOMSAD ( Sawirro)

BOOSSASO – Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa daahfur u samaysay nimaad cusub oo ganacsatadda wax dhoofisa ama la soo dagta ku cadaynayso badeecadooda oo loo yaqaan SOMSAD (Somali administration Document).

Adeeggan oo ah mid iswadda oo ganacsaduhu si madax banaan ugu soo codaysanyo badeecadiisa qaab online ah, taasoo meesha  ka saaraysa   document-gii gacanta lagu qori jiray  ee loo isticmaali jiray cadaynta badeecaddaha kala duwan.

Kulankaan ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Puntland Mudane Maxamed Majiino, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Puntland Mudane Cabdiraxman Caydiid Ibrahim, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Maaliyadda Mudane Abshir Mohamed Abshir , Maamulaha Furdadda Bosaso, Taliyaha Ilaalada cashuuraha ee Dekadda iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo xubno ka socday CRATES oo qaabilsan dib u habaynta furdooyinka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay  ganacsatada ugu waawayn, kuwa dhaxe iyo kuwa yaryar ee Puntland kuwaasoo lugu barayay hanaanka cusub ee Furdadda ee caalamiga ah (SOMSAD).

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Puntlnd ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay nidaamaka cusub kasoo fududeyn doona nidaamka shaqada iyo ilaalinta waqtiga , sidoo kale wuxuu ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay la qabsadaan hormarkaan socda.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa soo dhaweeyay nidaamkaan asagoo ganacsata ka codsasay sidii ay uga  qayb qaadan lahaayeen  horumarka socda.

Wasiirka Qorsheynta Puntland ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta ay muhiimad u leedahay helista macluumaadka badeecadaha soo daga dalka si loo diyaariyo xogta badeecadaha oo laga sameeyo Consumer Price Index (CPI) danbisha qiimaha badeecadda.

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa  sheegay in ganacsatada looga bahan yahay in ay u hoggaan samaan hanaanka furdooyinka Puntland ee cusub kaasoo ah nidaam heer caalami ah.

Agaasimaha ayaa ka codsaday in ay ganacsatadu arrintaan kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa adeegga Wasaaradda Maaliyadda u haysto ganacsatada.

Maamulaha  Furdadda Boosaaso ayaa u mahad celiyaye ganacsata asagoo xusay  in ay ka caawin  doonaan sidii ay u buuxin  lahaayeen nidaamka  cusub.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta 

Wasaaradda Maaliyadda

Dawladda Puntland.