Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Shirkadda Isxilqaan oo heshiis kala saxiixday(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Shirkadda Isxiliqaan ayaa kala saxiixdey heshiis ku aadan in Wasaaradda Maaliyaddu bixiso kharashkii wadada horay uga galay shirkada inta u dhexaysa wadada Xarfo iyo Jalam.

Kulan lagu qabtey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Qorsheynta Cabdiqafaar Xaange, Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Ciro, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cumar Saalax Aadan iyo mas’uuliyiinta Shirkadda isxilqaan.

Kulan horay u dhexmaray Dowladda Puntland iyo shirkadda ayaa lagu heshiiyay in Isxilqaan Company la siiyo lacag dhan $1,800,000, marka hore-na la siiyo $750.000, sidoo kalena Wasaaradda Maaliyaddu bixiso $150.000 bil walaba inta harsanna lacagtana shirkadu leedahay.

Dhinaca kale Shirkadda Isxilqaan ayaa banaynaysa wadada, si tartan loogu galo dhamaystirka dhismaha wadada magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa u mahad celiyay Madaxda Shirkada Isxilqaan, wuxuuna ku amaanay in ay dhaqaale badan dhankooda wadada ugu deeqeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha shirkadda Isxilqaan Gorod Maxamed Xasan ayaa Madaxweynaha Iyo Wasiirka Maaliyadda ku amaanay ka shaqaynta dhaqan galka heshiiskan mudada soo jiitamayey.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaan lagu horumarinayo waddooyinka in ay qayb ka yihiin lacagta (Sales Tax), waana mid ay ku amaanan yihiin ganacsatada Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland