23795100_2028542327379845_350021922074337837_n.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Dhiirigelisay Dhalinyaro u shaqeeyay Puntland[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa xaflad dhiirigelin ah oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay u sameeyey dhalinyaro la magac baxay Waan-awoodnaa oo qeyb ka ah Ololaha baraaruga dhalinyarada ee ka socday bilihii u dambeeyey gobolkada Puntland.

Guddoomiyaha Ololaha WaanAwoodnaa Umulkheyr Cawad Axmed ayaa ka mahadcelisay casumaada iyo dhiirigelinta uu u sameeyey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa ammaanay doorka ay dhalinyaradan ka cayaaraan horumarka iyo bilic soo celinta magaalada,wuxuuna ballan qaaday in uu garab istaagi doono.

“ ….Aad iyo aad ayaan idin ka mahadcelinayaa is-xilqaamida aad is-xil qaanteen,garateen wadaniyada dalkeena uu leeyahay,waxaan oran karaa dhalinyaradu waa seef laba afleh dhankii hadba loo adeegsado looga faa’ideysto,anaguna diyaar,waxaan u nahay inaan garab idin siino”ayuu yiri Wasiir Carshe.

Kulankan ayaa sidoo kale ,waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir,Wasiir dowlaha Madaxtooyada Quraan Jecel,Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Jowle iyo marti sharaf kale.

Hoos ka daawo Sawirrada Kulanka.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com