IMG_4246

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xirtay Hanti dhowrka Guud ee Puntland(Sawirro)

IMG_4246Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 05-April-2017, lagu soo gaba gabeeyey Hotel Juba Tababar loo qabtay Hantidhowrka guud, kaasoo ku saabsanaa barnaamujka Habka Maareynta Dhaqaalaha Dowladda ‘Financial Management information system’ (FMIS) barnaamujkaas oo ah computerized. Tababarkaas oo ay fulineysay Wasaaradda Maaliyadda Xafiiska PFMIS-ka, waxaa maal geliyey Bankiga aduunka .

Xiritaanka xaflada waxaa Goob jog ahaa Gudoomiyaha Hantidhowrka Guud Mudane Jaamac Cismaan Axmed( Goobe), Agaasimayaasha guud ee C/Berriga; Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimaha guud ee Furdooyinka Puntland.

IMG_4285Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay gudoomiyaha hantidhowrka guud isagoo sheegay in Habkan cusub ee shaqaalihiisa lagu tababaray uu u suurto gelinayo in si fudud lagu ilaaliyo hantida Dowladda, isla markaana laga maarmayo habkii hore ee Manualka ahaa kaasoo wax badani ku lumi jireen.

Waxaa kale oo kulanka ka hadlay Cali Jaamac Gaashaan oo ka sheekeeyey faa’iidooyinka uu leeyahay Barnaamujka FMISku oo dhamaan Hay’adaha Dowladda Puntland ku shaqeyn doonaan.

IMG_4292Gabagabadii waxaa hadlay xiriiriyaha mashruuca PFM Abdulkadir Axmed Xaashi iyo Maamulaha xafiiska FMIS-ka En. Faysal Mircayo oo labaduba uga mahad celiyey sida wanaagsan oo ay hantidhowrku ku qaateen casharadii la siiyey.

Waxaa xaflada soo xiray Cali Jaamac Gaashaan oo sheegay in ay ka go’an tahay Wasaaradda Maaliyadda hirgelinta Barnaamujka FMISka.

IMG_4246 IMG_4249 IMG_4256 IMG_4262 IMG_4264 IMG_4266 IMG_4270 IMG_4272 IMG_4275 IMG_4277 IMG_4279 IMG_4280 IMG_4282 IMG_4284 IMG_4286 IMG_4289

Maxamuud Cabdisalaam
Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
Garoowe