1.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo wada Shirar lagu Dardargelinayo Cashuuraha Berriga[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa muddooyinka u dambeeyey waday shirar lagu dardargelinayo Cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Agaasimaha guud ee Cashuuraha Cali Farxaan ayaa maalmihii u dambeeyay waday shirar lagu dardargelinayo cashuuraha.

Waxaa lala shiray Wasaaradda Howlaha guud,iyadoona sidoo kale qeyb ka noqonayaan shirarkan Wasaaradda Howlaha guud,PITECH,Taraafikada,Turbataariyada iyo maamulka gobolka Nugaal.

Shirka ayaa la isu soo qaaday nidaam cusub oo hab cashuureed ah lasoo kordhiyo taasoo ay ballan qaadeen PITECH si loo dardargeliyo Cashuuraha Beriga.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa kulanka ka sheegay in gacamo wadajir wax ku gooyaan loona baahan yahay si loo dardargeliyo cashuuraha isku duubni ka Wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin wadashaqeyn dhab ah sida iney tababaro siinayso taraafikada iyo inay dhiirigelinayso ciidamada.

…..”” Qof walba mas’uuliyad ayaa ka saaran shaqada meesha uu ka hayo,wax allaale wixii anaga mas’uuliyad naga saaran haddii aan Wasaaradda Maaliyadda nahay diyaar baan u nahay …”ayuu yiri Wasiirku

Agaasimaha guud ee Cashuuraha Bariga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Farxaan ayaa si guud uga hadlay nidaamka dardargelinta cashuuraha,waxa uu sheegay dhawaan la bilaabayo shaqada ayna diyaar u yihiin wadashaqeyn dhab ah.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa dhankiisa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin iney Wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeyaan dardargelinta Cashuuraha,waxa uu sheegay in qofka cashuurta diida uu yahay qof sharci diid ah,isagoona ku amray ciidamada iney ka howgalaan arrimaha dardargelinta cashuuraha Beriga.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com